Sawir macnayaal badan
INTA AY GOORI GOOR TAHAY
Inqaatsa Yusuf-Garaad
Waa sawir weyn ku fadhiya. Aragtideyda waxaa iigu muhiimsan waa laba arrimood. Waa in uu muujinayo xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed meesha uu marayo, siiba qabaa’ilka qaarkood. Waxaa kale oo uu muujinayaa meesha uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo derisnimo ka sokow ay ciidammadeedu gacanta ku hayaan ammaanka degaanno ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Kismaayo.
Isku soo duub, meesha aan annagu ka dhahno toban walaalaheenna Oromadu waxay dhahaan kudhan. Sawirkan waxaa ku dhan heerka ay mareyso siyaasadda Gudaha iyo Midda Dibadda, gaar ahaan tan Gobolka ee Dowladda Soomaaliya.
Inta ay goori goor tahay, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon waa in ay gartaan in aanay ku sii socon karin sida ay hadda ku socdaan. Waa in ay qaataan dariiq cusub oo ay ku wanaajinayaan isfahamkooda siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan kuwa ka soo jeeda qabiilka hadda ka didsan siyaasaddooda. Oo markaa kalsooni ay ka abuurtaan waxna la isla qabto.
Xiiriirkooda Kenya waa in ay ku saleeyaan muhiimadda aadminnimo, siyaasadeed, ammaan, bulsho iyo ganacsi ee ay Kenya u leedahay Soomaaliya.
INTA AY GOORI GOOR TAHAY
Inqaatsa Yusuf-Garaad
Waa sawir weyn ku fadhiya. Aragtideyda waxaa iigu muhiimsan waa laba arrimood. Waa in uu muujinayo xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed meesha uu marayo, siiba qabaa’ilka qaarkood. Waxaa kale oo uu muujinayaa meesha uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Kenya oo derisnimo ka sokow ay ciidammadeedu gacanta ku hayaan ammaanka degaanno ka mid ah Soomaaliya, oo ay ku jirto magaalada muhiimka ah ee Kismaayo.
Isku soo duub, meesha aan annagu ka dhahno toban walaalaheenna Oromadu waxay dhahaan kudhan. Sawirkan waxaa ku dhan heerka ay mareyso siyaasadda Gudaha iyo Midda Dibadda, gaar ahaan tan Gobolka ee Dowladda Soomaaliya.
Inta ay goori goor tahay, Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon waa in ay gartaan in aanay ku sii socon karin sida ay hadda ku socdaan. Waa in ay qaataan dariiq cusub oo ay ku wanaajinayaan isfahamkooda siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan kuwa ka soo jeeda qabiilka hadda ka didsan siyaasaddooda. Oo markaa kalsooni ay ka abuurtaan waxna la isla qabto.
Xiiriirkooda Kenya waa in ay ku saleeyaan muhiimadda aadminnimo, siyaasadeed, ammaan, bulsho iyo ganacsi ee ay Kenya u leedahay Soomaaliya.
23 comments:
Yusuf Garaad wuxuu jeediyey talo wax ku ool ah. Allah dhego Xassan iyo Saacid wax ku maqlaan ha u furo. Meesha sartu ka quruntay waa is aaminkii umadda oo maqan; soo nooleynteeduna waa masuuliyadda ugu dhumuca weyn, uguna mudan ee saaran hoggaanka dawladda dhexe. The undigested past of 1991 still remains. History will tell if the president and his PM will take us to the path of reconciliation and healing; or whether they will take us back to the road ruin: another cycle of mindless civil war.
Qoraalka Yusuf Garaad wuxuu muujinayaa in Soomaalia weli leedahay dad waxgarad ah oo odoris kara waxa soo socda. Waxaan illaahay ka rajaynayaa in uu ummadda Soomaaliyeed wadada toosan ku hagaajiyo, madaxda Xamar joogtana fahamsiiyo wax danta u ah Soomaalida. Hogaamiye waa inuu fahmaa dadka uu hogaamiyo waxa danta u ah, ma aha waxa danta u ah gurigiisa ama raaskiisa. haddii raas u roonaantu dhaxal keeni lahayd maamulkii Maxamed Siyaad ayaa laga arki lahaa - ha qaadina wadaduu qaaday.
Dhollawaa
Fikir saliima oo somaliyeed ayuu ka hadlay waana nin wax garada
Talladda Yusuf garad waa mid wax ku ool ah oo dhegihii wax maqlaaya oo taariikhda ay Somaliya soo martay dib u milicsan kara ay ka faaiideysan karto.. Xasan iyo Saciid waxaa la gudboon inay hurdada ka kacaan oo ay halka dheg oo keliya ee ay wax ku maqlaayan ka gudbaan.
Abdullahi Yaasin
Talo somalinimo oo saliim ah oo wax ku ool ah , ha la iswaalshado oo ha la is garabsado waa inta Somali uga daawoobi karto dhibihii soo maray ee 22+ sanno , wuu mahadsan yahay Mr Yusuf Garaad sida somalinimo ee uu hadalka usoo jeediyay .
yusuf garaad waxa uu kamid ahaa dadkii dabo dheereeyey colaada soomaaliyeed. waxa uu kamid ahaa taageerayaashii ugu waynaa ee qabqablayaasha dagaalka xamar kasocday. waxa uu ahaa xubin kii ugu muhiimsanaa ee kashaqeeyey suu ku fashilin lahaa dawladii claahi yuusuf. waxa uu ahaa ninka bbc da kadhigay meel halqabiil ushaqeeysa. soomaalida inteedii kalena kasifeeyey. waxa uu ahaa tifa tirahii ugu xumaa ee soomara laanta afsommaliga bbc da. waxa uu ahaa ninkii iska dhaga tirey in uu qaato talooyinkii ay aqoonyahanka soomaaliyeed siiyeen ee kusaabsanaa in uu kadaayo in bbc da uu kadhigo meel qabiil qudha u adeegta. sidee buu maanta ugu soo jeedin xasan isaga oo loobadinayo in uu kashaqeeyey siyasada kala fogaynta iyo codaadaynta qabiilada soomaaliyeed ee xasan in uu halbawle u yahay. waxaan jeclahay in aynan yusuf garaad kagonayn in uu xasan siyaasad wanaagsan muujiyo. balse ay tahay siyaasad kale oo uu doonayo in uu ku jaho wareeriyo ninkan khibrada yar ee qabiilku madaxa marey ee culusow.
waxaan aamin sanahay yuusuf garaad in uu ARKAY SIYAASAD XUMADA HAWIYAHA Marka TOOSHKA Ayuu ku ifinayaa oo leeyahay war XASANAW MEEL GAARIMAYSID INTA DAAROOD KU TIIRSAN YAHAY LABADA DERBI EE ADAG KENYA IYO ETHOPIA ee Siyaasada Bedel oo Daarood Kala qaybi oo Qayb ka wado Qaybna Cayri Tankale sida Daarood 2daa Dawaladood isugu tiiriyeen Adiguba miyaadan samaykarin oo la heshiin karin KENYA IYO ETHOPIA Dabadeedna DAAROOD GEED KU XIRTID Markaas ayaad Guuleysanaysaa
YUSUF GARAAD Wuxuu IFINAYAA QALADAADKA QABIILKIISA EE AH KALA FOGAYNTA SOOMAALIDA GEESKA AFRICA IYO TAN DAWLADAHA DARISKA LA AH EE UU SHIIKH SHARIIF HAGAAJIYEY MUDADII YAREYD EE UU JOOOGAY XAFIISKA
SHEIKH SHARIIF INUU SIYAASI CAQLI BADAN AHAA Waxaa kuu Cadaynaaya sida uu ila heshiiyey DAWLADII DARISKA LA AHAA SOOMAALIYA ee THOPIA iyp KENYA
Fikirka Yuusuf Garaad Waxa uu dood galinayaa Qarinimada Soomaalia,isla markaana waxa uu ka hor imaanayaa Dastuurka.
dowlada keenaya waxaa waajib ku ah in ay tixgaliso qawaaniinta caalamka,islamarkaana ay faraha kala baxdo arimaha soomaaliya,sidoo kale hadaan nahay soomaali waxaan u heynaa xushmad buuxda dowlada iyo shacabka kenya,taas mid la mid ah ayaan ka sugeynaa dowlada kenya,ka dib ayey imaan kartaa isbedel ganacsi,iwm.
Madaxweynaha iyo reysal wasaare waxa ay ku shaqeynayaan hab dastuuri ah,marka yuusuf garaad iska hadal waa laga fiican yahay,iyo in faal la dhigo,teeda kalena ogow qofka ku fadhiya kursiga madaxtooyada soomaaliya in uu ogyahay waxyaabo badan oo sir ah oo dadku aysan ogaan karin.
Jamaal all you have said are almost correct. But you missed the main point. Life is change and all living go through the process of change. We born, we grow, we mature, we decay and then we die (ofcourse, there are those who die before complete the cycle as a Qadar of Allah). it is through this process we change for the better or worst. I sense Yusuf Garad has matured and is now above Clan turf. I believe he has the knowledge and the experience to become a peace-maker, unifier of Hawie and Darood Clans whose hope of Somali weyn depends on them. He is among the few of who's who in Somalia. Hawie Clans see him as a hero and the Darod see him as an educated and talented person who unfortunately use his talent to wrongly further the interest of Hawie. Now, today is a new day, with its Allah given opportunities and challenges to make the best of it or worst. This article to seems to me that Mr. Garad have turned a new page....hopefuly as the unifier of Hawie and Darood, the two spoiled siblings.
Ahmed Muse
Qabiilka wa wax qof aan qabyaladayste ahayn lagu abuuri karo Yusuf 27sano ka hor waxa igu dambaysay Muqdisho Yusuf qabil ma aqon nin dhalinyara Soomaliya ayuu ahaa qabilka waa nalagu abuuray dhamanted dad xun baa dalkeni iyo dadkeni sidaa ka dhigay o rerkasta oo Soomaliyed leh dhibta waa lo kala
badnaa looma-kala harin. Cabdi wali Gaas ayaa nogu yimid Magalada aan daganahay waxa uu yiri waxaan garan wayey waxa Soomalidu ugu fiicantahay Meelkasta oo ay tagan Soomaliya mooye.
Soomaliya sharciga ayaan lagu dhaqmin waxaa Tusaale idinku filan Dastuurka qaranka ee qofba siduu rabo u macnaysanayo Soomalida tirahda hadal waa Margi Dastuurku Margi maaha nina siduu rabo uma macnaysan karo Mana badali karo.Sharciga aynu ilaalino dambigana Madaxweyne Hassan Sheekh
Malaha Dambiga waxaa leh Raiisul barlamanka iyo Raiisal wasaaraha
haduu madaxweynuhu qaldan yahay iyaga qaban laha arintan Waa cadalad iyo maha ayey ku leyihin
haduu diidana Meel lagu kala baxa
jirta.Madaxweynuhu shaqadii Raiisal
wasaaraha ayuu qabtaa shaqadi Madaxweynuhu way maqan tahay.cidina ma qabato
Talada Yusuf waa ay fiican tahay lakin waxuu iila muuqda nin rabay Tan Madaxweynuhu inay socoto laakin arkay Xoog badan oon laga gudbi karin Taas o u ufahmay Absame oo ah Darood degaano badana leh Man dhiqada East-Africa ku xogan una hilinaya kuwa ay isku Qabilka yihin
waa Sax arintasi lakin
Qatarteda ayey leedahay Madaxweyne
qaran inu qabil soo jiito
Maxaa xala waxaa ?
Xalka arintani waa hadalki aan ku bilaabay ee aha Sharciga aan ilaalino Gaar-ahaan Madaxweynuhu Hassan Shekh Mohamoud Dastuurkana
halagu dhaqmo.
Yusuf Garaadna hal ban leeyahay Dalkeena iyo Dadkeenu uma baahna
dhib cusub Degaanka aad asal ahaan
ka soo jeedo ee Gal-Mudug sadex Meelod ayey ukala fadhiyan u hawlgal
sidii iyaga iyo dadka degaanka la dagan hal-maamul isagu iman lahayen
Taasa ka horaysa tan aad u sheegayso Madaxweynaha Puntland way
dhisantay Juba-land way bilaabatay
haku wareerin tan federalka Dastuurka dalka oo la ilaaliyo waxaa hada ilaalinanaya Maxkamada aduunka cidi u hogansami waydaa iyadaa tagi qof aan sharciga ku dhaqmin ayaa shaqo beeli waxaa iman
mid sharciga ku dhaqma.
Cabdikhadar Dable -
Waxaan anniga u arkaa sida uu yuusuf sheegay in ay dowladdu xaqiiqsato in aayan madax u aheyn dal dadkiisu heshiis yahay. Isla markaana looga baahan yahay xataa marka ay wax qaldamaan in ay sida ay maslaxadda ku jirto yeelaan. Haddeey meesha la soo istaagan markasta anagaa saxsan Tastuurkaa noo ogol, dadkiina ay hab qabiil u fakirayaan, waxaa halkaa ka imanaya dagaalo aan joogsi laheyn iyo isku dhacyo soo noqnoqda.
Wariye, siyaasi Yusuf talada aad soo jeedisay runtii inkastoon shaki ka qabo inay soomlaidu qaadan laakiin waxay wax wayn ka badshay fikirka aan adiga kaa qabay. waxaan lahaa Yusuf waa QALIQOODI. sidaas waad ka waynaataye. Intaas ka dib, Yusuf ma aragtay sawirka madaxwaynaha iyo 8 xubnood ee la sawiran RW japan. waa sawir isna wax wayn muujinaya ee fadlan ba kaasna ka soo waran
Yusuf fadlan talada soo qabyo tir oo marka hore Mdaxawaynaha iyo 8 isku qoys ka ah ea la sawiran RW Japan ka soo sheekee si aad uGu qalanto qof talo la waydiin karo ama daacad ah haddii kale wariynimadaadii wariyeqoodi ayaad ayayd haddana qalinqoodi wallow aad soo wacnaanayso si aad runtii u gadmato
yusuf shaqsi Somaliyeed weeye Aniga Meela badan uga Siyaasad Duwnahay Lakiin Waxaan u arkaa dadka waaya aragaa wadankaan leeyahay
Axmed Qardhaawi.
Suxufi Yuusuf Garaad, bal cagligaaga saliimka ah adeegso oo ka tarjun sawirkaan Madaxweyne Xasan uu Japan u kaxeystay wafdi ka kooban beeshiisa oo kaliya. (http://hiiraan.com/news/2013/May/wararka_maanta31-22086.htm)
Waa sawir xambaarsan Xikmad weyn kana tarjumaya halka ay asrtu ka qurunsantahay. I personally believe in "cause and effect" waxaana xaqiiqa ah in ficil walbaaba ay sababi kadanbeyso. Mar hadii madxweynihii Qaranka uu noqday shaqsi Qabiil u adeega una dadaala danaha gaarka ah ee reerkiisa oo kaliya, ma kula tahay in kalsooni iman karto oo Soomaali dib isu aamini karto?
yuusuf garaad qoraalkan masoo dhigin mana qorin haduu qoraynay nin daad qaaday xunbo cuskay ban leeyahay xasan sh maxamuud iyo saacid uma joojinayaan afar odoyoo kenyaati iyo igad kudaba lumaya somalia somali ba leh daarood saacid ba ugu fadhiya wa maxay daaroodka qadsan mise mj baa rabto waxan qabiilada somaliyed helin inay helaan juboland wad kufashilmaten dowladana idin jojin meyso iska dhaaf african aan anagu wax u aqriyi jirnayee yuhuud hadad aadan sawirkana wuxuu cadeynaya jabkina waanu kufaraxnaa kenya waa fashilmatay arimahey idinku awrkacsanesay rag aqoon leh oo adag baa kahortagay oo dalka hagaya ma aha xiligii la is feer ordi jiray eedo
Yuusuf war fiican buu sheegay. Laakiin meesha sartu ka qurun tahay waa muqdisho iyo dadka talada haya ee si fiican ha u faarfaaro. Maxaayeelay sida hadda xaaladdu tahay waxay u eg tahay maroodu takar fuushan ma arkee kan kale tan fuushan buu arkaa. Xasan dhibka xamar ka jira ma arkee kan kismaanyo ayaa buuro kala weyn. Dadkuna camalkiisa ayey isha ku hayaane war la naash naashay qiimo weyn uguma fadhiyo. Intaas iyo Nabadgelyo.
Yuusuf talo ayaan kuu soo jeedinayaa. Maadaama aad nin dhallinyaro ah oo aqoonyahan tahay. Taladaydu waxaa weeye. Soomaalidu qabiil kuma kala fiicna laakiin xagga wada dhaqanka ayey ku kala roon yihiin. Qabiilka hadda talada haya adna aad ka dhalatay mida lagu dhaliilsan yahay waxaa weeye in ayan dadkooda dulmiga iyo xumaan wada inay u seeta dheereeyaan ama bareer ula safta ayagoo tol difaac aan cilmi ku dhisnayn ay ka tahay. Taasna waa qalad, maxaayeelay waxaa danta qabiil walba ku jirtaa inay ayagu kooda xun isqabtaan dadka kalena ka qabtaan. Haddii ayan qaban karinna dadka kale u sheegaan oo yiraahdaan iska qabta dadkaas xun ee annaga naga dhalashay. Tolweynaha guudna laga dhaadhiciyo in danta guud ee qabiilku aakhirtahanka ku jirta danta guud ee Soomaalida. Lana wada fahmo in Soomaalida oo dhanba hal qoys tahay ninka aan taas garanna maangaab ama khaain tuug ah yahay. Soomaali oo dhan waa inay ogaataa hadayan nolol isu ogolaan inay dhammaantood silic iyo saxariir u dhimanayaan sida haddaba ku haysata dacalada adduunka. Marka la soo bax qalinka oo noqo maskax dadka dulmiga iyo mugdiga ka hagta una hagta ilayska iyo caddaalada. Kana bilow tolkaa inaad u sheegto runta aan cid kale u sheegi karin haddii loo sheegana aysan ka qaadanayn. Haddaad taas sameyso cidwalba oo horay wax kaaga tabanaysay wey ilaawi doonaan. Dadkaaguna qabiil hoose ama kan Soomaaliyeedba waa kuu mahadin doonaan. Intaas iyo nabadgelyo.
Yusuf talo fiican buu soo jeediyeey, YAASE ka dhegeeysan..Ninkan Hassan oo runtii fursad qaali ah iska lumiyey, waa san qabo, dadko meel walba u sacab tubaayeeen, maanta waa aragtaan meesha xaal mari, siyaasaduna waa perception, waxa u sameeyey, Xassan ama wanaag ha ka ahaato, ama xumaan, mar hadii dadka SOOOMAALIYA dega,weliba DAROOD ay u arkaan cadow in uu yahay, waa khatar, Waxa kula talin laha Hassan, weli in uu wax saxi, karo,Marka hore ha iska cayriyo kuwa la taliya, oo beeshiisa ah, waayo waa tii aynu eedney, YEs man ka, waa tii siyaad barre eeday, oo arki waayey in dadki iyo wadankuba laga nacay, waayo kuwa xeeersan baan runta u sheegayn..Waa ti Qadafi eeday, Waa ti mubarak Eeday... war indhaha kala qaad, oo waa muuqata in daarood kaa sii jeestee, si dee ku hanan kartaa, Mida kale anigu markaan arku sawirkan Yusuf garaad soo dhejiyey oo kale, waxaan aaminsahay in uu tilmaami, LOse, Lose situation, oo yaan loo qaadan in daroodka meesha maraya, ama Addis aadi, guul ka soo hooyn, waxa meesha ka bixi dantii GUUD, somalia, Waxaana ka masuul ah arinkaas, Hassan, iyo siyaasad xumadadii, Bal ninka Adey IGAD oo is iyi darood ku jabi, ama jubba ku jabi, Xassanoow bahasha deji..Shakiga umadda ka saar...Hadii walaahey in aadan Madaxwayne SOOMAALIYEED tageero HAWIYE keliya ku ahaaneeyn..Abdi Qasim Dejavu...Allow sahal, waxaan ku ADDIS, Kenya aadi, u maagi waayey, maaha in aan ka dhashay, ee waxaan ogahay, MASUUL ka ugu sareeya Xassan in u yahay, fekerka laga aaminsanyahayna wanaagsaneen... The bucket stops with Hassan, with good leadership, then we can say, Hassan khalad baa lagu maagey..Hawiyana waxaan oran laha, walaalayaal, talo wanaagsan siiya sida YUSUF garaad..Hassan soomalia oo dhan buu madax u yahay..not only Hawiya
dad iskahadal kabatay iga dheh saas halasameeyo reer hebal hayeelaan saas markaan arko dadka siyabaad dalkaagaqasada kudooda markaan ma gaalada ku arko waxay ubadanyihiin kuwo mashaqaystayaal ah eemuran iyo been kuden beelay waxaan qofwalba in uu naftiisa waxtaro markaad naftaada waxtartid baad dadkaaga wax tari kartaa markaa faroole cumar a\rashiid yusuf garad a\gaas ahmad madoobe waxay kayimaaden ooy kunoolaayeen dibada somaliya way soo wareereen somaliyana ayagookale oo aduunkii kasooxirmay baa waalaya
YUUSUFOW QOLYAHA XAMAR TALO WAAD SIISEY HADDEY QAADANAYAAN
Thanks and that i have a super provide: What Is House Renovation luxury home remodeling
Post a Comment