Muqdisho-(Sh.M.Network)-Kadib kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa kulankooda waxa ay eedeyn ugu Jeediyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay ku eedeeyeen in ay Colaad ka hurineyso Gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha in Gobolka Hiiraan ay u Magacaawday Shaqsiyaad ay sheegeen in aysan Gobolka ka soo Jeedin taasi oo horseedi karta in waddanka uu Colaad dib ugu laabto.
Xildhibaan C/qaadir Sheekh Xanafi oo kulanka kadib Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cadallad darri ay ka sameysay Shacabka degan Gobolka Hiiraan isagoona Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay fara geliso dhibaatada Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka waddo Gobolka Hiiraan.
Hadalka Xildhibaanada ayaa imaanaya xilli Maalmihii la soo dhaafay kulamo isdaba Joog ah Baladweyne ay ku yeelanayeen Beelaha degan Gobolka Hiiraan kuwaasi oo dhaliilaya Maamul Wasaaradda Arrimaha gudaha ay u Magacaawdo Gobolkaasi.

No comments:
Post a Comment