Dam Jadiid oo La wareegay Wasaaradda Waxbarashada dalka
Muqdisho-(Sh.M.Network)-Ilo Lagu Kalsoonyahay oo qaar ay yihiin Dam Jadiid ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Koox diimeedka Dam Jadiid ay wadaan Qorshe ay isugu ballaarinayaan Hay’adaha dowladda Qaarkood oo ay u arkaan in danahooda Koox diimeed ahaan ay ku Kordhi karaan.
Ilahaasi ayaa sheegaya in Hay’adaha Iminka ay isku ballaarinayaan ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adda Nabad Sugida Qaranka qeybteeda Nabad Sugida Madaxtooyada waxaana wararka ay intaa kudarayaan in Ujeedooyin Fog fog ay ka leeyihiin Hay’adahaasi
Ilahaasi ayaa Xaqiijiyay in Ujeedooyinka ugu ballaaran ay tahay in uu jiray Khilaaf hore u dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo dallada FPENS oo Madaxdii dalladaasi ay iminka Jagooyin Sare ka hayaan Dowladda Soomaaliya kaasi oo salka ku hayay In Masuuliyiintii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada ay soo saareen in ardayda dhameysata Waxbarashada Dugsiga Sare ee qaadan Jiray Shahaadada Dugsiga Sare FPENS loogu bedello Shahaado Dugsi Sare oo ay soo saarto dowladda Soomaaliya taasina ay ka biyo diideen dalladda FPENS.
Hadaba Maxaa dhacay Markii Masuuliyiintii FPENS ee Dam Jadiidka ahaa ay la wareegeen Talada dalka Maxaa dhacay?
Waxaa dhacday in Jagooyinka Muhiimka ah ee Wasaaradda Waxbarashada ay La wareegaan Rag Dam Jadiid ah oo ka tirsan dallada FPENS.
Haddaba Ragga La bedelay iyo kuwa Lagu bedelay waxaa ka mid ah.
1: Abuu Cali sheikh Xaamud oo ahaa Madaxii Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada waxaa lagu bedelay Prof Max’ed Cilmi Tooxow oo ka tirsan dam Jadiid ahaana Madaxii Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee dallada FPENS oo ay Saaxiibo dhaw yihiin Wasiirka arrimaha gudaha ahaana guddoomiyihii dallada Waxbarashada FPENS C/kariin Xuseen Guuleed.
2: Agaasimihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd waxaa lagu bedelay Max’ed C/qaadir Nuur oo ah Dam Jadiid wuxuuna ahaa Guddoomiyihii ugu dambeeyay dallada FPENS oo uu kala wareegay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya.
3: Ismaaciil Macallin Cabdulaahi Baadiyow oo ahaa agaasimihii dalladaha iyo waxbarashada Gaarka ah waxaa lagu bedelay Daa’uud Max’ed Makaraan oo ah Dam Jadiid.
4: Agaasimaha waaxda Manaahijta Jagadaasi oo banaanayd waxaa loo Magacaabay Dr C/llaahi Sheikh Rashiid oo ah dam jadiid inkastoo uusan shaqada soo xaadirin ee uu bare ka yahay Jaamcadda SIMAD islamarkaasina qaraabo dhow ay yihiin faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada .
Dhinaca kale waxaa dorraad 30/05/2013 waxaa La Magacaabay Guddiga Maamulaya deeqaha Waxbarasho ee dibadda waxaa guddoomiye loo Magacaabay guddoomiyaha dallada FPENS C/qaadir Kadle ahna dam Jadiid taasoo la tilmaamayo in ay u fududaaneyso in ciddii ay daneynayaan ay Waxbarasho dibadda ah ay u diri karaan iyadoo Suura gal ay tahay in dhalinyarada Waxbarashada dibadda Loo dirayo ay ka mid Noqdaan Koox diimeedka Dam Jadiid.
Arrinta aadka u xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Ragga Dam Jadiidka ee Madaxda ka ah Wasaaradda Waxbarashada ay diyaariyeen Sharciga waxbarashada Gaarka ah oo dhawaan Loo gudbin doono Golaha Wasiirada ayna u sii gudbin doonaan Golaha Baarlamaanka si loo Ansixiyo, waxaana Meesha ka baxeysa in Sharcigii Waxbarashada dowladda aan la diyaarin oo mid gaar ah la diyaarsaday
Sababaha ay Sharciyadaan Gaarka ah Loo sameynayo ayaa Lagu sheegay Arrimo kala duwan waxaana ka mid ah in Xarumaha Dallada FPENS ay ku shaqeyso intooda badan ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada mana Ogola FPENS in ay awood yeelato Wasaaradda taasi oo keeneysa in goobahaasi laga saaro Dallada FPENS.
Related »

No comments:
Post a Comment