Monday, 3 June 2013

Agaasime Hii Guud Waxbarasha KHAATUMA Kasoo Jeeda Kooxda Dam Jadiid Si Foolxun Xilka Uga Qaden

Agaasime Hore uga tirsanaa Xukuumadda oo ka cabanaya Kooxda Dam Jadiid
maalik_som June 2, 2013



Muqdisho-(Sh.M.Network)-Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Muddooyinkii dambe Ku Jiray Xabsi ay dowladda leedahay ayaa sheegay in loo adeegsaday Ku tagri fal awoodeed.

Muuse Faarax Xeyd Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Shabelle La hadlay ayaa  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tagri fashay islamarkaasina xilkiisa loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.

Ex Agaasimahaan ayaa Xusay in Awood iyo Maquunin Loo Isticmaalay  Muddo bandanna uu ku jiray islamarkaasina Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Xariggiisa ka dambeeyeen kuwaasi oo uu sheegay in awood ay u adeegsadeen.

Sidoo kale Muuse Faarax Xeyd ayaa Carabka ku dhuftay in aan Laga tashan markii xilka laga qaadayay ee uu ku soo Baraarugay Xilkiisii oo Loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.

Sikastaba ha ahaatee Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Gaar ahaan Kuwa ka tirsan Kooxda Dam Jadiid ayaa awood gaar ah ku dhex leh Golaha Wasiirada Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment