Friday, 31 May 2013

Wafdiga Dowladdu u Dirtay Kismaayo Oo Wajigabx Kismayo Kaga So Laabtay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtey Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda Federaalku horey ugu dirtey magaalada Kismaayo, Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Fiqi uu ku haray magaalada Kismaayo, maalinta berri ahna uu iman doono Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Ciil-mooge oo saxaafadda la hadley ayaa ka gaabsadey in uu wax faah-faahina ka bixiyo safarkii ay ku tageen Kismaayo, waxaana uu ku gaabsadey in uu guul ugu soo dhamaadey, maalmaha soo socdana ay saxaafadda la hadlayaan.
Wefdiga Wasiirada ayaa muddo 4 habeen ah seexdey gudaha Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo, kadib markii maamulka Jubaland diideen in ay Kismaayo yimaadaan iyaga oo ku eedeeyey in ay jaahwareerin iyo carqalad u socdaan maadaama aysan sooba ogeysiin in ay imaanayaan, masuulna ka yihiin kuwo aqaladooda isku caleemo saarey.
Wada hadal dheer kadib ayey u suurta gashey wefdiga Wasiiradu in ay galaan gudaha Kismaayo, waxaana ay kulamo aan saxaafadda loo ogolaan la yeesheen Maamulka Jubaland, warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in uu jiro isfaham labada dhinac ah loona balamey kulamo kale.
Dowladda Federaalka ayaa ka soo horjeeda mirihii ka soo baxay shirkii Jubaland lagu dhisey kaas oo socdey muddo bilo ah, Waxaana Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ku eedeeyey in Dowladda Federaalku ka shaqeynayso dhibaato ka dhacda Jubada Hoose.

No comments:

Post a Comment