 Madaxweynihii hore DKMG Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inaysan marnaba haboonayn in DF Somalia ay maamulo u soo magacawdo gobolada iyo degmooyinka dalka.
Madaxweynihii hore DKMG Somalia Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inaysan marnaba haboonayn in DF Somalia ay maamulo u soo magacawdo gobolada iyo degmooyinka dalka.‘’Dowladda dhexe ayaa soo magacaabaysa gudoomiye gobol iyo mid degmo ama tuulo maahan mid shaqeyneysa,dadka ayaa la rabaa inay maamulkooda samaystaan’’ ayuu yiri isaga oo la hadlay VOA.
Waxa uu ku baaqay in lagu dhaqmo dastuurka dalka u yaal ee lagu heshiiyay June ,2012 magaalada Nairobi,isagoona dhinaca kale ka hadlay fikirkiisa ku aadan hirgelinta nidaamka Federalka ah.
Cabdiqaasim ayaa xusay in gobol kasta iyo degmo kasta xaq u leedahay inay soo doortaan cida hogaaminaysa ,islamarkaasina la doonayo inay jiraan waxyaabo guud uu ka dhaxeeya iyo kuwo gaar ahaaneed oo degmo kasta ku kooban.
Door hogaamineed ayuu sheegay inay leedahay DF iyo inay xaqiijiso dhamaan dadku deegaanku inay ku dhanyihiin.
Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa 2000 lagu doortay Carta ka dib gogol nabadeed ee Jabuuti u fidisay Somalida ,waxana xukuumadiisu ayhanan kari wayday Muqdisho xiligaasi oo ay ka talinayeen hogaamiye kooxeedyadii dagaalka sokeeye.
 
No comments:
Post a Comment