Somaliland oo gashay waayo siyaasadeed oo adag iyo waddada qudha ee looga bixi karo
Waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta Somaliland iyo macaamiishooda. Waqti kastaa waayihiisuu leeyahay, taariikhduna way is qortaa. Waxa maalmahanba ka dhacayey dunida dacaladeedda dabaaldegyo iyo damaashaad lagu xausayey sannad-guuradii 22-aad ee kazoo wareegtay maalintii lagu dhawaaqay madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland. Waxa fantaasiyadahaas ka qayb galay malaayiin reer Somaliland ah oo ku kala sugan dunida dacaladeeda,waxa ka muuqday wejiyada shacabka farxad iyo rayn-rayn siyaado ah oo ay ka wada sinaayeen carruur,cirroole,haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Waxa ay maalintani farxad gaar ah u lahayd shacabkii maalintii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga xayiga ahaa ee dalka iyo dibaddiisaba joogay iyo weliba qaar badan oo ah caruurtii dhalatay maalintaas iyo wixii ka dambeeyey, balse sheekada ku haya qaraarkii shacabka reer soomaaliland usoo maray hanashada maalintan mudnaanta leh. Dhamaan mujaahidiintii ka soo samato baxday dagaaladii qaraaraa ee lala galay hororkii Afweyne Barre ee xasuuqa ba’an ee aan loo aabo yeelin ku hayey shacabkii taageeri jirey SNM waxay mudan yihiin in la xurmeeyo lana ixtiraamo inta ay noolyihiin, maadaama ay naftooda u hureen in mustaqbalka shacabkoodu xornimo iyo nabad ku naaloodaan, ilaahayna ka aqbalay doonistoodii oo maanta lagu noolyahay xornimo,nabad iyo gobanimo.
Somaliland muddadii 22-ka sano ahayd way soo kufaa-kacaysey, maalinba meel ayay maraysey, xukuumadihii kala dambeeyeyna midba meel ayuu soo gaarsiiyey qarankan ayaanka badan balse arrimihiisu murugsan yihiin.
Muddadaas 22-ka sano ah ogow cadowga Somaliland habeen ma seexan sidii uu u dibin-daabyeyn lahaa qarankan curdinka ah, kolba dhinac ayay kaga imanayeen,kolba shaadh baa lasoo gashanayey, ilaahay ayaa cadowgaas bir adag inagaga hayey,balse inagu iskamaynaan moosin oo fiiro gaar ah umaynaan lahayn, taas oo ay uGu wacnayd ficiltan ama xafiiltan ka dhex taagnaa shaqsiyaadka siyaasadda dalka horbooda oo shacabka ka jeediyey inay dalkooda ilaashadaan,kuna habsaamiyey u ololeynta xisbiyo siyaasadeed oo shacabku ilaa hadda aanay fahamsanayn sida xisbi qaran taageero loogu muujiyo marka laga reebo inay qabyaalad ku taageeraan maahane.
Siday doonto ha ahaatee waxa laga soo gudbay caqabado badan oo adag, iyadoo la adeegsaday formula-da wada tashiga,isu-tanaasulka iyo is ixtiraamka, kaas oo ah hab Somaliland ku caano maashay oo ay kaga duwan tahay qowmiyado badan oo ku kala nool qaaradda madow iyo weliba guud ahaan waddamada dunida 3-aad.
Waxa maanta la joogaa xilli ay dimuqraadiyaddu ka hana qaadday Somaliland, ha iska yare laangareysee balse aynu dhinacyo badan uga yare egnahay qowmiyad xoogay kusoo yare duulduulay.
DAWO HADDAY BUKOOTO MAXAA LAGU DABIIBAA???
Waxa soo baxay 3 xisbi qaran oo huwan milgihii,sharaftii iyo magacii qaranka Somaliland. Haddaba si looga midho-dhaliyo habsami-u-socodka howlaha qaranka, loona dardar geliyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda, loogana hortago keli talisnimo,awood si-khaldan u isticmaal(Power abuse) iyo ku takrifal hanti qaran waxa maskaxda fiyoobi ina faraysaa inay jiraan xisbiyo mucaarad ah oo adag oo ka mideysan ilaalinta danaha qaranka,tooshna la daba socda kolba xibiga noqda xisbi xaakim, talada qaranku gacanta ugu jirto.
Si loo gaadho yoolka qaranku hiigsanayey,waxa aan marar badan warbaahinta ka daalacannay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo mar walba si dadban iyo si toos ahba baaqyo ugu diraya hawl-wadeenada UCID si ay ugu soo dhowaadaan miiska mucaaradnimada iyo mideynta aragtiyaha mucaaradnimo, halka xisbiga UCID uu gantaalihiisa ku jiheeyey jiho qaldan oo uu ka barbar dagaalamayo xisbi xaakimka, halkii uu mataankiisa siyaasaddu mataanaysay la hiilin lahaa. Alle ha dabiibaan leeyahay Ucid.
Xisbiyada Mucaaradka ahi waa inay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee xukuumadda talada haysa. dhowaan waa la wada taageeray diidmadii xukuumaddu diiday ka qaygalka shirkii London oo ahaa shir loogu yaboohayey dhaqaale Soomaaliyada dhaawaca ah, waxana kazoo qayb galay 56 dal oo intooda badani ahaayeen waddamada deeqda bixiya. Balse weli cidi kama hadlin shirkii uu soo qabanqaabisay NGO-da uu madaxda yahay ninka reer Muqdisho ee maalgashiga Soomaaliya oo ay kazoo qayb galeen ganacsato soomaaliyeed,uuna shir guddoominayey safiirka soomaaliya u fadhiya Kiiniya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirka ganacsiga ee Soomaaliya.Taas xisbiyada mucaaradka iyo golayaasha sharci-dejinta ayaan u dhaafayaa.
Fuud iyo yucub laysla waa!!
Waxa maalinba maalinta ka dambeysa 1inch god kusii dhacaya gooni-isu-taaga Soomaaliland. Taas waxa sabab u ah Soomaaliya oo ay ka dhalatay dowlad la aqoonsan yahay oo rasmi ah, waxay caalamka u kala direen diblomaasiyiin u kala metela: Arab League,UN.EU,AU,IGAD iyo waddamo badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya. Ergeyadaasi waxay ka dhaadhicinayaan waddamadaas ay joogaan qaddiyadda Soomaaliya,waxayna sii xabaalayaan qaddiyadda Somaliland. Horena waxa loo yiri nimaan hadlin hooyadiis qadisay. Haddaadan hadloon cidi kuu hadli mayso. Marka si hawlahaas loo barbar wado hawlo Somaliland dan u ah oo cadowga tiis la beeniyo waxa shacabka qurba-joogta ah aan kula talinayaa in lays mobilize-gareeyo oo cudud mideysa meel looga soo wada jeesto sidii mudaharaadyo bille ah ama 3 biloodle ah looga hillaacin lahaa magaalooyinka muhiimka ah ee siyaasadda caalamku ka go’do sida LONDON,BRUXELS,NEW-YORK,WASHIGTON DG, Cairo,Addis Abeba iyo meelo kale. Fadhiga ha laga kaco.
Saxaafadda:
Saxaafadda Somaliland ha joojiso aqoonsiga ay aqoonsatay dowlad-goboleedka Puntland ee Somaliya.
Sida aan la wada soconno waxaynu mar walba warbaahinta ka maqalnaa ama akhrinaa SSC oo u taagan Sool,Sanaag iyo Cayn.
Sool iyo Sanaag waa laba gobol oo ka tirsan Somaliland, balse gobol Cayn la yiraahdaa Somaliland kuma yaal.
Wabilaahi tawfiiq
Eng. Farhan Fagah-Fagah

No comments:
Post a Comment