Kulan maanta ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartaha dalka Soomaaliya oo ay lahaayeen Odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanada, Culimaa’udiinka iyo Haweenka Beesha Xawaadle ayaa waxaa lagu casuumay saraakiisha ugu sareysa AMISOM ee gobalka Hiiraan sida Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM ee Gobalka Hiiraan, Korneel Cismaan Dubad Sugule.
Kulankaani ayaa waxaa u jedkiisu ahaa sida ay u diidanyihiin beesah shirtay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amaanka qaraxnka xukuumada Soomaaliya, C/kariim Xuseen Guuled oo ay sheegeen in u si gaar ah ula dagaashanyahay.
Odayashii hadlay dhamaan waxa ay isku raaceen in Cabdi Kariim Guuleed uu yahay qabyaaladiiste uusanna cagaha dhigi Karin waligiis goablka Hiiraan gaar ahaan B/weyne.
“Hadii aan nahay beesha Xawaadle waxaa nalaku yaqaanaa in aan dowladnimada Taageerno wax walbana aan Nabada ka hor-marino hasa yeeshee micnaheedu maaha in qof shaqsi ah uu ku fikaro in Xawaadle iyo dowlada uu kala fogeeyo Go,aanka kulanka maanta ee Beesha Xawaadle waa in Wasiirka Arimaha Gudaha uusan marbana isku soo lug-gooyn B/weyne, waxaan nahay Qabiil qof huwan shaar qabiil marna lagama yaabo in uu rabitaankiisa nagu socodsiiyo dowlada kala doorato Beesha Xawaadle iyo Ina Xuseen Guuled “, sidaas waxaa yiri Nabadoon Maxamed Sheekh Xasan.
Odayaasha Xawaadle ayaa dhawaan shaaciyay in ay Kalsoonidii kala laabteen dowlada Soomaaliya inkasta oo arintaasi maanta uu waxba kama jiraan ku tilaamay wasiirka Kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed oo sheegay in odayashaasi aysan meletelin ddka deegaanka, dowladuna ay la macamisho odayaasha la yaqaanno ee dad iska soo orday aysan warkooda dheg u raarici doonin.
Lama oga sida dowlada Soomaaliya ay ugu dhega nuglaan karto odayaasha kala dooransiinaya in Beesha Xawaadle iyo Cabdi Kariim Guuleed, iyada oo ay xusid mudantahay in Cabdi Kariim Guuleed uu yahay ruuxa sedaxaad ee dalka ugu awooda badan xilligaan.
No comments:
Post a Comment