Friday, 31 May 2013

Dowlada Somaliya Oo Difaac Gashay Markii Qabiilada Hiiraan Daga Dhaleeceyen

Wasiirka Kheyraadka”Odayaasha hadlay ma metelaan fikirka guud ee bulshada reer Hiiraan”


Wasiirka Kheyraadka dalka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii dalka Marooko uu kaga soo qeybgalay shir uu soo qabanqaabiyay bankiga horumarinta Afrika kaas oo looga hadlayay abaaraha.
Wasiirka Kheyraadka mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo saaka saxaafada kula hadlay garoonka diyaradah ee Aadan Cadde xilli uu dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka wabixiyay safarkiisa, isagoo tilmaamay in dalka Marooko uu uga soo qeybgalay shir looga hadlayay abaaraha kaas oo uu soo qabanqaabiyay bankiga horumarinta Afrika.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi ku daray in kulankaasi uu ka jeediyay warbixin ka hadleysa xaalada abaarta dalkeena wuxuuna tilmaamay in shirkaasi uu qaatay muddo Afar maalmood ah.
Wasiirka Kheyraadka mudane C/risaaq Cumar Maxamed oo ka jawaabay su’aal ku aadaneyd sida uu arko hadal ka soo yeeray odayaal ka hadlay Beledweyne oo sheegay iney kalsoonada kala laabteen dowlada,isagoo sheegayin wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkaasi, sheegayna ineysan metelin bulshada gobolka.
‘’xaqbey u leeyihiin iney hadlaan weyna iska hadleen laakiin ma aha odayaal la dhihi karo weey metelaan fikirka guud ee bulshada reer Hiiraan,  Ugaasyo iyo oday dhaqameenyo la yaqaan oo maamulka gobolka Hiiraana ka qeybgaatay ayaa jira,  iyagiina maaha, haddi ay noqotana siyaasada waxa lagala tashadaa wasiirada iyo Xildhibaanada adbaana ugu faraxsanahay maamulka loo dhisay gobolka Hiiraan’’ Sidaasi waxaa yiri wasiirka Kheyraadka xukuumada Federaalka Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment