Monday, 3 June 2013

Fadeexad soo Wajahdey Madaxweyne Xasan Sheekh ka dib markuu isu ekeysiiyey Madaxweyne Maamul goboleed (sawiro)

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la cadeeyey in Fadeexadii ugu xumeyd ay soo foodsaartey ka dib markii Safarkiisa Japan u kaxaystey koox ay isku heyb yihiin, kuwasoo muujiyey In Madaxweyne Xasan Sheikh uusan Qaranka Soomaaliya ku matalaynj shirka ka socda Japan. Warar aan ka helney Nairobi ayaa sheegaya in beesha Caalmka ee aadka ugu dhexjirta Siyaasada soomaaliya ay aad uga xumaadeen habdhaqanka Madaxweynaha, Beesha Caalamka ayaa iyago qayb wayn ka ahaa dib u heshiisiintii, hirgalintii Road mapka, waxayna si hoose ula socdeen siyaasada Soomaaliya.

Dhinaca kale Beesha Caalamka oo Rajowayn kamuujinayey Dowlada Federaalka Soomaaliya maadaama ay iyagu Dhaqaalaha ku baxa Madaxda Federaalka iyo Amisom ay iyagu bixiyaan ayaa hadda u muuqata inay indhohooda ku arkayaan Walaaca laga muujiyey Hogaanka sare ee Dowlada Federaalka. Fadeexadaan Cusub ka dhacdey Japan ayaa muujineysa in Madaxweynuhu uu siyaasadiisa ku ekeysiiyey Hal Qabiil iyo siyaasad xambaarsan hab beeleed, tasoo muujineysa in Madaxweynuhu u fakarayo inuu yahay Madaxweynaha Maamulka Muqdisho. Sida aan Warka ku heyno Xafiisyada laga maamulo dhaqaalaha ku baxa Soomaaliya ee beesha Calamku ku leeyihiin Nairobi iyo safaradaha Wadamada daneeya arimaha Soomaaliya waxaa aad loo hadal Hayaa Fadeexadaan oo tan iyo shalay saxaafaduhu Wax ka qorayeen. Hoos ka akhriso Wafdiga Madaxweynaha u raacay Japan.

1-Xuseen Iidoow – Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada, Murursade, Hawiye
 2-Ibraahim Baana – Protocol of the Presient, Abgaal, Hawiye
 3-Eng. Yariisoow –  Information, Abgaal, Hawiye
 4-Xaayoow Gacal – Wasiirul Dowlaha arrimaha dibedda, Murursade, Hawiye, waxaa la doonayay inuu Dubai kasoo safro lakiin wuu xanuun sadey saas buu uga baaqdey, hadana Dubai ayuu joogaa

5-Kamaal – Chief of Protocol, Habar gidir, Hawiye
 6-Sheekh Ciise – Abgaal, Hawiye
 7-Abudalahi Afrah – Abagaal, Hawiye





Waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddooyinkan danbe uu soo dhoweysanayo shaqsiyaad neceyb iyo cadawaad ku caan baxay oo ka mid yihiin Oday Xaad, Axmed Diiriye, Tarsan, Yusuf Garaad iyo C/llahi Xaydar.

No comments:

Post a Comment