Friday 7 June 2013

War Deg Deg Ah Hassan Sheikh Oo Soo Jeediyay Gobalka Gedo Lagu Daro Bay iyo Bakool (warbixin)

Xasan Sheekh oo Daaha ka rogay Siyaaasadihii u qarsoonaa (Warbixin)



Waxaa kulan culus Xalay Yeeshay madaxweynayaasha Puntland iyo kan Federaalka ah , iyadoo labada masuul ay ka doodeen arrimo khuseeya dastuurka Federaalka ee Soomaaliya oo ay Puntland horay ugu eedaysay  DF in wax laga bedelay iyo  arrimaha Jubbooyinka .



Khilaafkii uu sii laba kacleeyey

Wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in Labada Madaxweyne ay isku mari waayeen labo qodob oo labada ahaa kuwa aad looga dooday , waxaana madaxweyne Faroole uu madaxweyne Xasan Sheekh usoo jeediyey inuu taageero maamulka Jubbooyinka  , iyadoo Xasan Sheekh uu sheegay in arrinkaas uusan waxba ka qabin , laakiin usoo jeediyey in gobolka Gedo laga gooyo, si loogu daro Bay, bakool iyo Gedo ,

Qorshahan ah in la kala gooyo Sadexda gobol ayaa horay loo ogaa , waxaana 5 bilood kakor la’ ogaa in Xasan Sheekh Warqad uu u qoray IGAD uu ku sheegayo ama uu ku faaf-faahiyey Qorshihiisa siyaasadeed iyo habka uu ku doonayo in maamulo federaal ah ugu dhiso Soomaaliya inta aan la gaarin doorashooyinka soo socda.

Madaxweyne Faroole ayaa dhankiisa geeska ku dhuftay Qorshaha uu soo jeediyey Xasan Sheekh.

Dhanka kale,  Qorshaha Federaalka oo laga dooday ayuu ku adkaystay Xasan Sheekh inaan waxba laga bedelin Dastuurka Federaalka , waxaana Puntlandpost warar soo gaaraya ay sheegayaan in DF ee Soomaaliya , Dastuurkii horay loo wada saxiixay  ay sidiisa ku soo celiyeen , maadaama ay markii horeba ay hayeen dastuurkii Origanalka ahaa ee la wada saxiixay, waxaana la sheegayaa in arrinkaas  ay sameeyeen kaddib markii ay sheekadu ku xumaatay , beesha caalamkana laga geeyey dacwad iyo Meelaha ay wax ka bedeleen dastuurka.

Af-hayeenka DF ee Soomaaliya ayaa dhamaadkii asbuucan warsaxaafadeed ku sheegay in DF ee Soomaaliya aysan waxba ka bedekin dastuurkii Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo warsaxaafadeedkaas ay ku sheegay  in Dowlada Puntland waxyaalaha ay ku eedeeyeen DF ee Soomaaliya aysan  waxba  ka jirin.

Sikastaba, Puntland iyo Jubbaland ayaa la sheegayaa in ay ka wada xadleen xaalada dalka Soomaaliya , Sharciga Federaalka ee Soomaaliya,  lamana garanayo illaa hada mowqifka ay ka qaadan doonaan Dowlada dhexe ee waqtigan uu hogaanka u hayo Xasan Sheekh Maxamuud.

No comments:

Post a Comment