Tan iyo markii la soo doortay madaxweynaha cusub Xasan Sh. Maxamuud, waxaa soo baxayey magacyada shaqsiyaad aad u awood badan oo ku hareereysan madaxweynaha, islamarkaana ah iyagu kuwa qaadanaya go'amada kama danbaysta ah ee ka soo baxaya xarunta madaxtooyada.
Shaqsiyaadkan waxaa u badanyihiin kooxda la magic baxdey Damjadiid (dhiig Cusub), waxana ku wehliya laba ilaa sadex qof oo kale oo ay isku barteen intii ay wadeen xisbigii siyaasiga aha ee madaxweynuhu gudoomiya ka ahaa labadii sano ee ugu danbaysay.
Kooxdan Dam jadiid ayaa u badan shaqsiyaad aan aan khibrado badan lahayn, laakiinse waa koox aad u firfircoon, taasna waxaad ka garan kartaa sida ay ugu guuleysteen in ay gadaan Xasan Sh. Axmed, islamarkaasana ay ugu guuleysteen ka dhex gadaan baarlamaanka iyadoo ay tartamayeen dad ka aqoon iyo khibradbadan iyo kuwo ka lacago badanaa.
1-Faarax C/qaadir Muxumed oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah oo daraasadka Islaamka ku soo qaatay jaamacad ku taal Pakistaan Wuxuuna si wanaagsan ugu hadla luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, waana shaqsi hal abuur badan, aad u samyeeya saaxiibada, islamarkaasna yaqaan sida uu u burburiyo qofka kasoo horjeeda.
Faarax C/qaadir ayaa waxaa uu matalaya shaqsiga ugu muhiimsan xiligan markay ay noqoto go'aan qadashada talada dalka, waxayna bulshada reer Muqdisho durba u bixiyeen Faarax sakiin, ninkani waxaa uu kasoo jeedaa beelaha yaryar gaar ahaan reer aw xasan , wuxuuna horey u ahan jirey madaxa hay'ad lagu magacaabo wakaalada muslimiinta Afrika.
2-C/kariin Xuseen Guuleed: waa shaqsiga labaad xagga awoodda kooxdani, waa nin aad u firfircoon oo gal gal ah, aadna u kala yaqaan bulshada Xamar.
C/kariin malaha khibrado badan iyo aqoon la tilmaami karo, laakiin wuxuu ku hadlaa afka Carabiga, wuxuuna khibrad ku dhex kasbadey urur diimeedka qunyar socodka ah ee Islaax intii aanu ka bixin sanadkii 2001 asaga iyo kooxdiisa damjadiid.
C/kariin oo u dhashay Beesha Hawiye Habar gidir (Sacad), waxa uu hadda madax ka yahay xafiiska Soomaaliya ee wakaalada Musliinta Afrika oo saaxiibkiis Faarax ka dhaxalay.
3-C/raxmaan Xuseen Odawaa; waa habar gidir Saleebaan ah, waxaana uu gadaal kaga soo biirey damjadiidka, wuxuu si xoog ah u dhex boodey maxkamadihii islaamka.
Odawaa waxaa uu wax ku bartay dalalka Suudaan iyo Maleysia, wuxuu hadda madax ka yahay Macadka SIMAD oo jaamacad loo badalay. Machadkan waxa hore madax uga ahaan jirey madaxweynaha Xasan Sh. Maxamuud.
Odawaa, iyo abti doon waxa ay aad ugu ololeynayaan in rayselwasaare laga dhigo Saacid Garaad oo ah ninka qaba Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi oo ay nimankan isku reer yihiin, halka uu Faarax C/qaadir danaynayo ninka la dhaho Maxamed Barre oo ay saaxiib ahan jireen.
Waxaa kale oo jira shaqsiyaad kale oo awood ku leh xiligan xafiiska madaxtooyada laakiin aan ahayn Kooxda dam jadiid, waxana ka mid ah. --
4-Dr. Maxamed Nuur Gacal, waxaa uu sida abti doon ka mid aha aala sheekh, wax yarna waxa uu ku biirey Islaax, ka dibna waxaa uu ka mid noqdey Koxdan Dam jadiid.
Gacal oo u dhashay beesha hawiye Murursade (sabti) waxaa uu ku xigeen ka yahay hadda xafiiska ururka Iskaashiga islaamku ku leeyahay Soomaaliya.
Ninkani waxa uu shareecada iyo qaanuunka ku bartay dalka Suudaan ,waxaana halkaas uu dhawaan qaatay shahada PHD da Waxuuna Ka Awood badanyahay Wasiirada Arimaha dibada Fawzia haji adan Waxuu Madaxwaynaha U qaabilsanyahay Magacaabida Safiirada Iyo Waxii carabaha Lacag Laga helayo
5-Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, waa Habar gidir Cayr, wuxuu ku hadlaa afafka carabiga iyo Ingriiska, waxaana uu shahada Masters Culuumta Siyaasadda ku qaatay jaamacad ku taal dalka Masar.
Qore Wariye Mohamed Qadar
www.somalifederal.blogspot.com
Federaladvocate@gmail.com

No comments:
Post a Comment