Sunday 9 June 2013

Xog Rasmi Ah: Shir Madaxweynaha DF iyo Beeshiisu ka yeesheen shirqooladii fashilmey ee Kismaayo.

Xili shalay dagaal qasaaro geystay Magaalada Kismaayo uu ku dhexmaray ciidamada maamulka Jubaland iyo maleeshiyaad taabacsan nin lagu magacaabo Iftiin Axmed baasto balse la sheegey inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka dib dagaalkii markii lagu kala adkaadey sida la sheegey waxaa shirar hoose Madaxweyne Xasan Shiikh Muqdisho kula yeeshey xubno Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal isugu jira ,dhamaantood-na ah kuwo kasoo jeeda Beesha Madaxwaynaha.



Shirka dhexmarey dhinacyadaas oo hadalo kala duwan intii uu socday ay kasoo jeediyeen ayaa qodobadii ugu muhiimsanaa ee goobta laga sheegey waxaa ka mid ahaa dhaliil qaar ka mid ah xubnihii shirka ka qeyb galayey ay usoo jeediyeen Ra,iisal wasaare Saacid oo ay ku eedeynayeen in beeshiisu dagaalkii Kismaayo uga baxdey sidii hore loogu balansanaa.

Xubnaha odoyaasha ee shirka ka qeyb galayey waxaa ka mid ahaa Xassan Xaad oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Beesha Hawiye, waxaana sida warar hoose aanu ku helayno Odey Xasan uu ku canaantey Madaxweyne Xasan Shiikh inuu horey uga gaabiyey talo odoyaashu u siiyeen oo ahayd ciidamo qarsoodiya oo ka socda isla beelaha xubnahan kasoo jeedaan oo lagu daabulo Kismaayo.

Xaad oo hadalka wata ayaa yiri” “Shaqadii Caydiid Iyo Cabdiqaasim ka qabteen Jubboyinka in la dayaco Maaha, eebaw Xasanaw maanta adiga ayaa Madaxwayna ah taladana gacanta ku haya wiilkaan Saacid Beeshiisa waa inuu abaabulo dagaalkana inay galaan ha ku qasbo, Muga minaan daroodka qaybino waa noo toose”

Dhanka kale Nabadoon Shaayaw Cali Baxaar ayaa Madaxwayanaha isna dhankiisa u sheegay siyaasaad xumo inay ahayd in aad mar hore Gudoomiye gobol ku dhawaaqi wayday xaaladana maanta saan ma ahaateen” ayuu ku doodey nabadoonka lagu magacaabo Shaayaw.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa MuqdishoTarsan oo goob joog ka ahaa shirka odoyaasha, xillibaanada iyo siyaasiinta beesha Madaxweynaha la yeesheen ayaa hadal kooban dhankiisa uu kasoo jeediyey uu ku sheegey in xilligan uu jiro kacdoon xoog badan oo isku duubaya beesha daarood, kaas oo la mid ah sidii midkii beesha hawiye xilligii Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha ahaa ee ay la bexeen Hawiye Action Group, islamarkaana loo baahan yahay in xaalada la qaboojiyo inta ayaamo ah , taas oo ula jeeday Tarsan hadii lagu sii wado kacdoonka in uu sababi karo Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh oo burburta.

Gabo gabadii Shirka ayaa kusoo dhamaadey in talooyinku ay noqdaan kuwii intaas kasii bata , islamarkaana ay jiri doonaan shirar kale oo uu Madaxweynuhu la yeelan doono xubnaha siyaasiinta iyo Dowlada ku jira ee beeshiisa, iyadoona Madaxweyne Xasan Shiikh goobta ka sheegey in odoyaasha shirka kala soo qeyb galey ay noqdaan kuwo halkoodii kasii wada dacaayadaha iyo aflo gaadeynta Maamulka Jubaland inta uu ka helayo Madaxweynuhu fikrad uu mar kale jaanis ku siineysa inay faraha soo galiyaan arrimaha Jubaland.

No comments:

Post a Comment